Somalidu islaamka ka hor maxay cabudi jiren 1

Hordhaca

Waliga mays waydiisay somalidu diinta ka hor cida ay cabadu jiren dhaqamada dimeed ee ay lahayeen iyo meesha ay diimahasi ugu imadeen waxaad

maqashay magaloyin badan oo wata magacyo isku mid ah sida ceel waaq
Iyo cabud waaq hadaba waaqa ay ka midaysanyihiin magaloyinkan muxu yahay goormu so gaadhay islaamku somalida qaabke ayuu kuso gaadhay
Sidaysa kuwa qateen

Wakhtiyo fog oo ka horeyay islaamka


Waxaa laso weriya in bulshoyinki ku abtirsan jiray kushitiga ay ahayeen boqortooyo aad u xoog badan oo la odhan jiray kuush boqortoyadan ayaa fidsanayd dhul baladhan oo u dhow wabiga niil ilaa saxaraha weyn diinta ka jirtay dhulkasi ayaa ahayd diin la odhan jiray diinta waaq waxayna dadku cabudi jireen ilaah ka yidhaahdo waaq macnayaal badan ayaa lagu fasira halka uu ka yimid magacini waxaa ugu xoogan in macnuhu yahay ilaha samada waxa ugu weyn ee ay aminsanayen ayaana aha in uu jiro ilaah xagaa samada jooga astamihiisuna ay yihin dayaxa qoraxda
Iyo xidigaha

Somalidi hore ayaa marka ay raban in baryotaman ama ay alle baryaan baryi jiray waaq oo ay aminsanayen inu joogo samada

Marka ay tusale ahaan abaar jirto oo ay baryaan waaq ka dibna uu roob yimado
Waxay xiligasi u bixin jireen barwaaqo
Oo lola jeedo roobki ama naxariistii waaq

Sido kale waxaa jiray wax kale oo ay somalidu aminsanayen oo ay u yaqanen
Ayaanle waxay aminsanayen ayaanle inay tahay ruux barakaysan oo shaqadeedu tahay inay isku xidhe u noqoto ilahay iyo bini adamka waana meesha ay ka yimaden magacyada ayaanle iyo ayaan ee maanta aynu adeegsano
Malagkul mawtka ayay u yaqanen huur
Waxayna aminsanayen inu yahay rasuulka burburka iyo halaaga
Sido kale waxay aminsanayen dulal ay u kala qaybin jiren labo nuuc mid dhib wada iyo mid dheef wada waxayna samayn jireen inay xoolo qalaan si shartooda ay uga magan galaan ama ay wax uga codsadan

Dhowr fikradod ayay tariikhyahanadu ku shegan halka uu salka ku hayo ugucda aminsananta waaq cilmi baadhisyada qaybo ka mida ayaa qaba in diinta waaq ay ka mid ahayd waxyabihi umadihii hore ay ka dhaxlen diimihi hore gaar ahaana diinta nabi ibraahim waxaana laga dhehan kara inaysan bulshoyinkasi lahayn sanabyo ay cabudan kaliyana ay isku raacsanayen inuu jiro ilaah kali ah oo samada joogo
Dadka fikradan qaba ayaana magaca waaq ku fasira eebihi cirka iyo dhulka oo idil

Fikrada kale ayaa iyaduna dhigaysa in diinti waaq ay ahayd diin la mid ah cadoyinki diimaha noqday dadka qaarna ay ku fogaan jireen oo ayba cabudi jireen dayaxa ama qoraxda iyaga oo u yaqanay in ay yihiin ilaahyo waxaana fikradan laga dhehankaraya habka ay u dhaqman dadka kushitiga ah ee wali ku hadhay diintan sida qayb oramada ka mid ah rindiilaha iyo canfarta an muslimka ahayn kuwaasi oo habenkii dab shida gacmahana kor u taaga si ay u barakaystan dayaxa

Fikrada u danbaysa ayaa iyaduna dhigaysa in marka laga so tago cibadoyinka ay samayn jiren dadka haysta diinta waaq in magaca waaq si guud u ahaa eray u dhigma ilaah isticmaalkiisuna Usan ku ekayn kaliya
Aminsananta diintas ee u ahaa eray u dhigma erayada ay somalida iyo dadka la jaalka ah u yaqaneen ilaaha sareya
Sida eebe guule iyo sareeye kuwaasi oo dhamaan tilmaamaya inuu jiro ilaah awoodleh

Marka dhinacyo badan laga fiiriyo waxaa laga fahmikaraa in diinti waaq ay xaga qirida kalinimada ilaahnimo ay kaga dhawayd diimihi kale ee hore ee ka jiray ama wali maanta ka jira qaybo badan oo dunida ah kuwaasi oo ku dhisan aragti falsafadeed oo ah in noole iyo ma noolaba la cabudikaro

Qadashada fudud ama sida dagdaga ah
Ee ay somalidu u qadatay diinta islaamka waxaa lala xidhidhinkara in ay islaanimadu ay wax badan kala sinatay
Diintoodi sidasina ay keentay in ay aqbalaan madama diinta islaamku la timid aminaad ku dhisan qirida ilaaha le
Koonka oo idil taaso u fududaysay in ay si dhib yar ula jaan qadaan una aminan

Luqada dhulka iyo magacyada somalida


Ayaa wali laga dhehankaraa raadka diintan magalooyin badan ayaa wali sita
Magacii waaq
Sida ceel waaq oo lola jeedo ceelki ilaah waaq
Cabud waaq oo lola jeedo caabud ilaah waaq
Waaq eyl oo ah goob ku taala buurta gacan libaax
Iyo waaq deriya oo iyaduna ku taala xeebta gobalka sanaag

Waxa sido kale jirta qabiilo iyo qoysas somaliyeed oo magacooda uu ku jiro
Erayga waaq sido kale ducooyinka habaarka dhaarta amaanta iyo gabayada oo qaarkod la tiriyay qarniyo ka dib marki somalidu islaamka qadatay ayaad ka dhex arki karaysa erayga waaq tusale ahaan
Marka qof lo ducaynayo in la yidhaahdo
Waqay waxaan kaga baryay
Marka wax lala yaabo in la dhaho
Waqay waligay
Iyo magacyada xiliyada sida waqal iyo barwaaqo sido kalena erayga waaq
Waxaa laga dhex helikara heeso hawledyada reer miiga oo meelo badan laga dhex arkikaro

Inkaste oo qodobo kala duwan loo dhigikaro hadana waxaa mudnan le in islaamka ka hor somalidu haysatay diin qaab ahaan dhinac uga eeg diimihi tawxiidka ku dhisna dhinacyo badana uga eeg diimihi dhaqanada u samayna
Ee dunida ka jiray walina ka jira
Hadaba hadii aynu fahanay diinta ay soamlidu haysten islaamka ka hor aynu hadana eegno goorta uso gaadhay islaamku
Tariikhyahanada ayaa sheega in islaamku so gaadhay somalida bilowgiisi horeeba gaar ahaana marki u nabigu scw amray tiro kamida asxaabtiisi oo ka koobnayd 15 saxabi
Oo iskugu jiray 11 rag ah iyo 4 dumar ah
Inay tagaan dhulki ay ka talinjirtay boqortooyadii xabashidu nabiga naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahate ayaa u shegay saxabadiisa in boqortoyadasi uu joogo boqor aan agtiisa cidna lagu dulmin saxabadan aya timiday magalo xebedka saylac
Oo xiligasi ka mid ahayd dhul weynihi ay ka talinjirtay boqortoyadii aksum qureyshi ayaa ka daba timiday saxabadan lakin boqorki xabashada najashi ayaa ka hor istaagay qureysh inay wax dhibaato ah u gaystan muslimiinti so micinsatay dhulkiisa isago xoriyad u siiyay inay ugu noladan
Sida ay donaan ka dib saxabadan ayaa bilaabay inay diinti islaamka ku fidayan
Dhulki ku hareeraysnaa oo ay ka mid ahayen dhulkii somalida sido kale waxaa si xojiyay safaraadii dhanka xeebta ay ugu imaan jireen gobalada
Somaliyed ganacsatadi carbeed xiliyadii khilafoyinki iskaga kala danbeyay xukanka muslimiinta kuwasi oo door weyn kasi qaatay si faafinta islaamka
Madama xeebaha somalida ay yihiin albaabka geeska Africa ku xidha dalalka carbeed ka dibna somalida ayaa isku badalay kuwa diinta islaamka kusi faafiya geeska Africa

Previous Post
Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *