Isku daygi dilki nabi ciise Cs dadalid mise dalacsiin

Hordhaca

Xusna markii uu alle ku yidhi ciise ciisow waxaan ku qaadi doona oo kor kugu so dhigi doona xagayaga waa samada sare ee oo ka bari yeeli doona hadalka beenta ah inu ciise yahay wiilka alle midaas oo ay yidhaahden kuwa galoobay waxan ka yeeli doona kuwa ku raacay adiga kuwa muwaxidiin ah oo alle kaliya cabuda iyo kuwa ka sareeya kuwa galobay ilaa iyi maalinta qiyamaha dabadeed waxad uso noqon doontan xagayaga markaasan idinku kala xukumi doona arimihii aad isku khilaafi jirten

Sida laga soo wariyay ibnu cabas allaha ka raali noqde wuxuu yidhi marki alle doonay in ciise Cs uu kor u qaado ciise wuxu u yimid asxaabtiisa oo guri ku sugna waxaa la shega inay tiradoodu ahayd 12 qof halka ay warin kale leedahay waxay ahayen 17 qof wuxu ku yidhi ciise asxabtiisi waxaa idinku jira kuwa igu galobi doona 12 jeer ka dib marki uu qofkasi I rumeyay dabedna wuxu ku yidhi hadaba keeba qadanaya
Muqaalkayga oo kale oo diyaar u ah in la dilo halkii aniga layga dili lahaa oo gaadhaya darajadayda oo kale


Ka dibna wiil aad u da yara ayaa markiiba so booday oo ku yidhi aniga
Markasu nabi ciise Cs ku yidhi iska fadhiiso adigu isla su ashi ayu markale ku celiyay nabi ciise Cs ragii waxaa markale soo booday isla wiilkii markasu ku yidhi hadaba waa adiga markasu alle weyn u ekaysiyey nabi ciise Cs wiilkii ciisena waxaa lo qaaday xagas sare ee samawadka isaga oo laga saaray xaga sare ee gurigii uu ku jiray

Mudo yar ka dib yuhudi doonaysay inay dilaan nabi ciise Cs ayaa gurigii yimid
Waxay markiiba gacanta ku dhigen wiilki lo ekaysiyay nabi ciise ka dibna waa ay dilen oo ay daldaleen

Warinkale ayaa waxay ledahay alle wuxu ciise u eekaysiyay inti guriga kula sugnayd oo dhan ka dibna marki ay yuhudu yimaden gurigii waa ay ku wareeren waxayna ku dhahen dhamaantiin wan idin wada laynayna hadi kale iska soo saara ciise
Ka dibna nabi ciise ayaa ku yidhi asxaabtiisa yaa ka iibsanaya goob janada ka mid ah waxaa markiiba u baxay mid ka mida ragii halkaasi joogay
Iyago dilay ka dibna daldalay
Inta ka dib waxa la sheega inay u kala baxeen sadex koox

koox la yidhaahdo yacquubiya oo rumaysna in ciise laf ahantiisu uu ahaa alle oo u dhex joogay intii u donay
Dabeedna uu dib ugu labtay hawada sare

koox kale oo la yidhahdo nasturiya
Waxay rumays nayen in uu ciise Cs ahaa wiilki alle oo u la joogay intii uu donay
Dabedna uu dib ugu laabtay hawada sare

kooxda kale waxay ahayen muminiin
Waxayna yidhahden wuxu ahaa adoonka alle iyo rasuulkiisa ee u la joogay intii uu alle qadaray dabeedna uu rabigiisu kor u qaaday

Intaas ka dib labadii kooxed ee galada aha waxay iskugu tagen kooxdi muslimiinta ahayd iyaga oo dhamantood wada layay markas ayay diinta saxda ahayd ee u ciise Cs baray ay babaday ilaa uu alle soo diray nabi muxamed scw oo dib uso noolay siyay
Diinta saxda ahayd

Hadalkoodi ahaa kibirka iyo faanka
Ay ku dhahen waxaynu dilnay masiixa ciise Cs wiilka maryam rasulka alle Cs
Lakin ma aysan dilin Mana aysan daldalin ee surada ciise ba waxaa lo saaray ninkale oo lo ekaysiyay
Ayagu gaaladu waa yuhuda ee wax Bay qoleen macnaa inay dilaan ciise Cs
Alle na qorshe ayu samaystay allena wakan u wanagsan inta wax qorshaysa

Previous Post
Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *