Nabi ibrahim Cs iyo sadexdi malag ee uso martiday

Hordhaca

Ibraahim Cs markii u kaso laabtay xaaskiisi haajir waa nabi ismaciil hoyadiye ee uu kaga so tagay maka wuxu kuso labtay xaaskiisi kale ee saara sidan la socono nabi ibrahim Cs wuxu aha deeqsi aad u jecla inu martidiisa aad uso dhaweeyo

Hadaba waxaa dhacday malin malmaha ka mid. Ah inay ibraahim u yimadan marti waa sadex qof oo wajigoda quruxda iyo dhal dhalalka ka baxaya uu ka yaabay Mana uusan garanayn sadexduba cida ay yihiin waxay ku yidhahden nabadi korkaga ha ahato
Wuxu nabi ibrahim ugu jawabay nabadi idinkana korkiina ha ahato
Waxaa tihin dad anan aqoon u lahayn sida aan arko ka dib nabi ibrahim u so dhaweyay martidiisa wuxuna u tagay xaskiisa oo u markasi ku yidhi ma garanaysa martidani waxay tidhi maya

Ibrahim martiidisi ayu markale eegay isaga oo la yaaban hadana wuxu u jeestay xaskiisi oo u ku yidhi
Wax ay cunaan martida ma haysa
Waxay tidhi waxan haya wax yar oo hilib ah markasu ibrahim Cs ka xishooday inu hilibka yar u geeyo martidiisa ibrahim wuxu markiba soo qabtay dibi aad u buurna isaga oo bilabay inu shiilo dibigi oo dhan
Wuxuna ugu tala galay sadexdi qofod ee martida u ahayd ee gurigisa dhex fadhiyay
Ka dibna marki uu dibiga shiilna soo ag dhigay iyagi martida aha wuxu arkay inay wx doonis ah aysan muujinin


Ibrahim waa u la yaabay martidiisa
Wuxuna bilabay inu ku dhirigaliyo cunista hilibka isaga oo cad yar kaso goostay hilibki
Lakin wuxu arkay inaysan Dan iyo xaajaba ka lahayn cunista hilibka hortooda yaal
Ibrahim Cs markiiba waxa gashay cabsi xoogan Mana Usan ku wafaqin dhaqankodi la yaabka laha
Mana Usan dhihin maxa idinka qaldan dadyahown maad cuntan hilibkan
Ee uu iskaga amusay markas ka dib ayu ibraahim go aan qaatay oo u bilabay
Inu su aalo waydiiyo wuxuna ku yidhi kuma tihiin idinku maxase halkan ka dhacaya isku kay sheega

Markaasay ku yidhaahden ibrahimow ha cabsan anagu ma nihin bini adam waxaynu nahay malaig alle weyne wuxu noo soo diray inaan kuso gaadhsiino labo farimod
Markasay malaigti waxay ibrahim Cs u sheegen inu alle so amray inay ba biyan oo ay dhulka la jaran qoomku luud
Marki ay u shegayen waxaa maqlaysay
Xaaski ibraahim ee Sara waxay markiiba ku faraxday in qoomki luud ay ku dhacdo Cadhada alle
Saara marki ay ku faraxday fariinti ay u shegayen malaigtu nabi ibrahim Cs
Waxaa saara na ay u shegeen fariinta labad ee alle uso dhiibay oo ahayd inu all ugu bisharaynayo wiil mid kas oo lagu magacabi doono isxaaq markasey waxay tidhi oo ma waxan qaadi dona
Ilmo aniga oo da ah iyo ninkayga oo ah oday gaboobay ah
Ka dib markasay malaigti ku yidhahden
Oo ma waxad la yaaban tahay xukunka alle naxariista alle iyo barakoyinkisa
Korkina ha ahaden ree ibrahimow Allah waa sharaf badane amaan badan

Marki ibraahim Cs cabsidi ay ka baday
Ayu wuxu bilabay inu malaigta kala dooda arinti qoomki luud maxaa yelay ibrahim Cs waligiis alle kama baryin
Dadkiisa inuu ciqaabo wuxu aha mid marwaliba u duceeya wuxu yidhi waxad u socotan inaad babisan qoomki luud
Maxad u siin wayden wakhti wa intas oo ay kaga so labtan danbiyadooda fusha xun sowma ogidin in dadkasi ay ku dhex jiran dad muminiin ah sowma ogidin in luud iyagasi ku dhex jiro idinkuna waxad doonaysan inad dhulka la jartan markaas malaigti ku yidhaahden ibrahimow arinta aad ka hadlayso waa mid uu alle asteyay dhicideda waxaa hubaal ah inaysan waxba gaadhi donin dadka muminiinta ah ee ku dhex jira qoomka luud go aanka Alle na dib loma celiyo
Ibrahim Cs intasi ka dib wuxu xaqiiqsaday in nabigi alle ee luud uu nabad galayo iyo intii isaga racday
Markasey sadexdii malag ka tageen ibrahim Cs iyago u dhaqaqay halki alle u cayimay inay tagaan
Hadaba ma garanaysa sadexda malag ee ibrahim Cs martida u ahaa
Waxay sadexdasi malag kala ahayen
Jibriil
Miikaa iil
Israa fiil

Previous Post
Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *