Hordhaca
Waxaa uu aha madaxweynihi sadexad ee dalka somaliya iyo midkii ugu xukunka dheera 21 sano ayuu ahaa hogaanka dalka iyo xoghaya guud xisbiga hanti wadaaga wuxuu lahaa sifooyin iska soo hor jeeda wadani dalkiisa jecel hormar baxadleh gaadhsiyay iyo hogamiye dhisay ciidan aad u xoog badan halka dhinaca kale uu aha kaligii taliye xukun jacayl ku sifaysan aad u neceb dadka ka fikirka duwan malin cad diyaradihii dagaal ee dalka ku duqeyay dadkiisi sido kalena God mugdii ah ku tuuray dalkii uu mudo dheer dhisayay
Qoraalkenan ayaa ku dul istaagi doona tariikhda jaale siyaad bare
Wakhtiga iyo goobta saxda ah ee uu ku dhashay jaale mahamed siyaad bare xog sax ah oo ay tariikhyahanadu isku raacen ma jirto diwaanka xisbiga kacaanka iyo xogaha kale ee tariikhda waxaa ku diwan gashay in jaale siyaad bare uu ku dhashay gobalka gedo sanadki 1919kii halka tariikhyahanada qaar ay qoraan in maxamed siyaad bare ku dhashay meel u dhow laas gacal oo kamida deeganka lo yaqaano ceel gaab oo maanta ka tirsan degmada shilaabo
Ee dawlad degaanka somalida intii u dhaxaysay 1915kii iyo 1916kii labadiisi waalid ayaa geeriyooday iyaga oo aad u da yar waxaana korimadiisa la wareegay adeerkiis xirsi bare
Sanadkii 1933dii ayaa xirsi bare lagu dilay dagaal reero dhex maray halkaasu hadana markale ku wayay adeerkiis oo laf dhabar u ahaa noloshiisa
Sanadkii 1936dii ayuu mahamed siyaad bare kaso tagay badiiyaha waxaana uu yimiday dagmada dhuusomareeb
Wuxuna uga sii gudbay magalada balad weyne wuxuna iska diwan galiyay ciidamo tababar ku galayay xerada tababarada ee baladweyne sanadkii 1936dii markuu uu tababarka dhamaystay waxaa lo badalay magalada casimada ee muqdisho si uu u qaato tababar dheeri ahna waxa la geyay xeradii tababarka ee ku taalay degmada xamar jajab maxamed siyaad wuxu ka tagay shaqadiisi ciidanimada 1939kii ka dib markii loo so sheegay geerida labo adeeradiis ah oo kala ahaa jamac bare iyo maxamed bare waxaa una tagay deeganka ulasan oo ka tirsan degmada dhuusomareeb oo ay qoyskiisu daganayen sanadkii 1941kii markii u ingirisku kala wareegay awoodii dalka somaaliya dawladii talyaniga oo dagaalki labad ee aduunka ku jabay mahamed siyaad waxaa uu ku biiray ciidankii ingiriska wuxuna dalacadii ugu horaysay oo ahayd alifle helay sanadkii 1941kii alifkii labaad wuxu qaatay sanadkii 1944kii waxaana waxbarasho loogu diray magalada Nairobi ee dalka Kenya dugsi ku yalaa Kenya tababarkas ka dib ayu noqday kormeere kobaad markii uu talyaanigu kuso noqday dalka mahamed siyaad bare oo sadex xadhigle ah waxaa lo qaaday dalka talyaaniga sanadkii 1952 dii tababarkasi ayuu ku qaatay xidig tiisi ugu horaysay wuxuna noqday sargaal sanadki 1955dii ayuu u dalacay labo xidigle labo sano ka dibna wuxu u dalacay darajada dhame 1958dii markii la dhisay ciidanka boliska somaliyed waxaa siyaad bare looga magacabay inuu noqdo taliyaha ciidanka booliska somaliyeed ee gobalka banadir ka dibna wuxu usii wareegay xafiiska guud ee ciidanka booliska somaliyed
12/4/1960kii waxaa la dhisay ciidankii xooga dalka somaliyeed waxana taliye looga dhigay general daa ud abdule xirsi mahamed siyaad bare na waxaa lo magacabay taliye ku xigeenka ciidanka zooga dalka somaliyeed dagaalki Ethiopia iyo somaliya ee sanadkii 1964kii ciidankii xogaa oo markaasi wakhti yar jira ayaa dagaal la galay awoodi Ethiopia si geesinimo leh ayayna uga difaceen si xududaha dalka mudo ka dib sanadkii 1965kii general daa ud ayaa xanuun ugu geeriyoday magalada Moscow ee dalka ruushka mahamed siyaad bare ayaana loo magacabay inuu noqdo taliyaha ciidanka xooga dalka somaliyeed wuxuna u dalacay darajada sareeye guuto
Intii u dhaxaysay sanadkii 1960kii ila 1969kii waxaa dalka ka talinayay dawlad rayid ah oo qaab doorasho talada ku heli jirtay nidaamka siyasadeed ee dalka ayaa ka koobna xisbiyo aad u tiro badan oo ku dhisnaa hab qabiil ah hananka maamulka casriga ah oo somalida ku cusbaa iyo adeegsiga qabiilka oo aad u xoogana ayaa keentay in dawladnimadii cusbayd ay noqoto mid habacsanan badan leh haykalkii dawliga ahaana uu noqdo mid qabiilku si toosa uga dhex muuqdo waxay arintu sii xumatay
markay October 15 1969kii magalada laascanod lagu dilay madaxweynihi dalka c/rashiid cali sharmaarke dalkuna uu galay qalqal amni oo aad u xoogana ciidanka qalabka sida aya faruqa dalka ka dhacayay ka fa iidaystay waxayna 6 maalmod ka dib geeridi madaxweyne c/rashiid gaar ahana 21/10/1969kii
Taladii dalka ay afgambi kula wareegen
Waxaa afgambiga hogaminayay 20 sargaal oo xooga dalka somaliyeed ka tirsana 5 sargaal oo boolis ah waxayna ku dhawaqeen in dalku uu galay kacaan military xukunkana ay la wareegen ciidamada qalabka sida waxaa la kala diray barlamaankii dastuurki ayaa meesha laga saaray waxana la mamnuucay xisbi siyasadeedkii madaxdii dawladii rayidka ahaydna xabsiga ayaa loo taxabay dadweynaha ayaa kuso dhaweyay caleemo qoyan iyo raynrayn ciidamadii qalabka siday ee hormuudka u ahaa afgambiga waxayna u arkeyeen talabo geesinimo leh oo horay loo qaaday ciidankii hogaanka la wareegay ayaa ku dhaawaqay goolaha sare ee kacaanka oo u hogaminayo jaale mahamed siyaad bare kuwasi oo noqonaya hayada ugu sareysa maamulka dalka sidasi ayayna taladii dalku faraha shacabka uga baxeen
Nidaamki dimuqradiyadedna ee Cardinka ahaa mesha loga saaray
Sadex bilod ka dib afgambigasi waxaa la bilabaya hayada nabad sugida sirdoonka qaranka somaliyed waxana madax looga dhigay xubinka tirsan golaha sare ee kacaanka oo ahaa axmed saleban dafle sidasi oo kale waxaa la sameyay maxkamada sare ee qaranka waxana garsoorayal ka ahaa
Xubno ka tirsana golihii sare ee kacaanka sido kale goolihi sare ee kacanku waxay sameyeen gole wasiiro ah oo rayid ah oo lagu xulay aqoon iyo karti waxana lagu dhawaqay in shaqalaha dawlada lagu dooran doono maxaa taqana ee aan lagu salayn donin yaad taqana dadka shacabka ayaana aad uso dhaweyaay talabadasi waxayna ku faraxsanayeen dardarka xoogale ee u kacaanku laso shaa baxay falsaafada uu kacaanku ku shaqaynayay waxay ahayd hanti wadaag laga soo manguriyay nin u dhashay dalka garmalka iyo ninkale Oo ahaa aasasiihi midowgii sufiyeet habkani wuxu ku dhisna hab ay dadku isku wada dabaqad yihiin waxkastena ay dawladu leedahay waxaa la hirgaliyay nidaam iska wax u qabso ah oo lagu dhisay wadooyin dugsiyo xarumo bulsho iyo dhakhtaro waxay kale oo ay dawladu laso wareegtay fara ku haynta bangiyada iyo shirkadaha muhiimka ah warshado wax soo sarana waala sameyay waxaa hormar muuqda lagu sameyay wax so saarka wadanka dhaqalaha waxbarashada cafimadka iyo shaqooyinka ayaa si xawli ah u koray somaliya ayaana noqotay dal ka dhex ifaya dalalka Africa dhinac kastena hormar ka samaynaya ciidanka xooga dalka ayaa sido kale aad lo hormariyay waxayna noqdeen kuwo aad u awood badan qarada africana kaga jira safka hore dhanka tayada
Iyo qalabka awooda ciidankaba
Kacaanka hortiis waxaa wadanka wax lagu qori jiray oo xafiisyada dawlada ka shaqayn jiray waxna lagu baran jiray
Afaf kala duwan sida carabiga talyaniga iyo ingirisi maamulki kacaanka ayaa magacabay gudi kaso tala bixiya qorida afsomaliga oo ka koobna 21 qof doodo iyo aragtiyo kala duwan ka dib waxaa la meel mariyay in la qoro farta rasmiga ah ee luuqada somaliga waxana bilowday olole lagu bahinayo qoraalka farta somaliga ololuhu wuxu bilowday bishii 3/1974tii si. Loo helo awoodi shaqale ee hawsha qaban lahayd dugsiyadii ayaa la fasaxay mudo hal sano ah ku dhawaad 1milyan iyo 300 kun oo qof oo iskugu jira ardaydii dugsiyada iyo macalimiinti ayaa lo kala diray daafaha dalka gaar ahaana badiyaha si ay dadka badiyaha ku sugan u baraan qorida farta somaliga sido kalena sare loogu qaado heerka qorista iyo akhriska ee dadka somaliyeed dhankale kacaanka ka hor waxbarashadu waxay ku koobnayd in yar oo u badan dadka talada haya iyo dadka maal qabaneeda ah dugsiyada dalka ka dhisana aad ayay u koobnayeen Mana jirin aqoon heer jamacadeed ah oo ka jirta gudaha dalka si baahida lo daboolo waxaa la furay jamacadii umada somaliyeed oo 15 kuliyadood ka koobnayd
Waxbarashadii waxaa laga dhigay lacag la aan waxana la dhisay dugsiyo badan hormaradan baaxada leh waxaa lagu gaadhay intooda badan 7 sano ee ugu horaysay xukumada kacaanka amaanta ugu weyna waxaa qaatay madaxdii kacaanka oo ahaa jaale maxamed siyaad bare wuxuna noqday halyey umada uso baxay xili ay u baahnayeen
Dagaalki 1977 dii ee dhax maray somaliya iyo Ethiopia
Ayaa sido kale ka mid ah arimaha xasuusta mudan ee hogamintii jaal siyaad bare dagaalkan oo samayn kala duwan lahaa ayay markii hore ciidanka xooga dalku ku gulaysteen inay gacanta ku dhigaan gobalka somali galbeed balse markii danbe cidankii midowgii sufiyeet ku hogaminayay ayaa ciidamada somaliyeed dib uso riixay waana halkan meesha ay ka bilabanayso samaynta adag ee liicida hanankii dawladnimo ee somaliyeed marka laga so tago hormarka baxada leh ee uu dalka gaadhsiyay hadana maxamed siyaad bare waxa lagu tilmaama inu ahaa kaligii taliye neceb dadka ka aragtida duwan bilowgii horeba waxay is qabsadeen sarakiil ka mid ah kuwii ugu samaynta badna madaxdii kacaanka labo sano ka
dib curashadii kacaanka waxaa uu siyaad bare xidhay ragii ugu sareyay kacaanka sida general salaad gabare iyo general maxamed caynaanshe labada ninba waxaa laga saaray golihii sare ee kacaanka waxaa sido kale laga dhigay dhamaan garadadii ay haysteen markii danbena waxa labadoodaba lagu toogtay iskool bolasii iyaga oo lagu edeeyay inay kaso hor jeedan mabadidi kacaanka jale siyaad waxaa uu si indho la aan ah u qaatay shuuciyada oo markasi si xawli ah ugu fidaysay dunida sadexad sanadki 1975tii madaxweyne mahamed siyaad ayaa so saaray xeerka qoyska kasi oo simaya dhaxalka raga iyo dumarka sido kalena qeexayay shuruuc badan oo maqasinta diinta kaso horjeeda shacabka ayaa aad u kacay iskana diiday xeerkan cusub culumada ayaa ahayd kuwa ugu horeeya ee diiday xeerkan 10 ka mid ah culumadii ugu cadcada ayaa laso taagay maxkamada badbadada qaranka waxana lagu xukumay dil toogasho ah
Halka 18 kale oo culumada ka mid ahna lagu xukumay xabsi
20 ilaa iyo 30 sano ah 23/1/1975ii radio muqdisho ayaa laga sii dayay war argagax le oo ah in dil toogasho lagu fuliyay 10 ka mid ah culumadii ay maxkamada badbada qaranku ku xukuntay dil togashada
Ka dib guuldaradii dagaalki 1977dii waxaa dalka so foodsaray dhibatooyin dhaqale iyo siyasadeed xaga dhaqalaha waxaa si xad dhaaf ah u batay daymihi dibada
Iyo kuwii gudahaba waxa meesha la baxay gabi ahaanba kaalmadii dhaqale ee midowgii sufiyeetka gudaha dalka waxaa bilowday buuq dadweyne iyo cadho xaga ciidanka ku baahday 1978 waxaa guuldaraystay afgambi lagu rabay in lagu rido xukumadii siyaad bare waxana la toogtay 17 ka mid ah ragii afgambigasi lagu tuhmayay wixi xiligasi ka danbeyayna dalku waxa uu galay jahwareer siyasaded iyo jabhado dagaal ku ah dawlada mahamed siyaad bare aya wajahay wakhti aad u adag oo ku adan hoos u dhac ku yimid
Saxiibadii calamiga aha ee ay lahayd somaliya iyo xidhiidhku arimaha dibada oo hoos u dhacay dhaqalaha dalka oo burbur ku dhawaday iyo nolosha dadweynaha oo cidhiidhi aad u baladhan gashay sanadihi 80tameyadii
Aya waxaa si hoose qayb qayb u daciifay tirarkii dawladnimada sida amniga cadalada iyo xakamaynta dhaqalaha mahamed siyaad oo shaqsi ahaan aan ku sifaynayn xatooyada xoolaha shacabka ayaa hadana awoodi wayay inu xakameyo hantida dadweynaha ee sida xawliga ah kusocotay qabyalada ayaa gaadhay heerki u saraysay reerkastena waxaa u samaystay jabhad magac qabiil huwan oo dagala kula jirtay xukunki jale siyaad bare
Gadoodka ugu badan wuxu ka dhacay gobolada waqooyi ee dalka waxana u dagaal adag halkasi ku dhex maray dadkii degaanka iyo ciidankii dawlada ee ka amar qadanayay siyaad bare ayaa awood xad dhaaf ah u adeegsaday gobolada waqooyi iyada oo aan lo kala meel dayin ciidan iyo shacab toona diyaradihii ciidanka somaliyeed ayana duqaymo xoog badan logu gaystay magalooyinki iyo tuloyinkii degankaasi shacab aad u badan oo aan waxba galabsan ayaa halkasi si arxan daro ah loogu gumaday
Bilowgii sanadkii 1990 maamulka dalku wuxuu ahaa qalfoof ahaan kaliya meelkastena waxaa laga daremayay musiibada soo dhaw dilka iyo foodada ayaa caadi noqotay
Jabhadii ayaa magalooyinki waweyn albabada u fadhiistay
Macluusha iyo dhaqalo yariduna xadkii ayay dhaaftay
15/3/1990 kii waxaa is ababulay 114 qof oo u badna wax garadkii dalka sida siyasiiin hore aqoon yahano culimo iyo hogamiyayal dhaqan kuwaso dareensana dhibatada so socota waxay warqad u direen mahamed siyaad bare si xaalka wax looga badalo warqadasi oo la magac baxday maanofisto dadka warqadan saxeexay waxa horkacayay madaxweynihi kobaad ee dalka aadan cade general maxamed abshir oo aha taliyihi ugu horeyay ee ciidanka booliska somaliyed sheikh mukhtaar oo ahaa gudomiyihi ugu horeyay ee somaaliya Dr mahamud sheikh Ahmed oo ahaa gudomiyihi maxkamada sare sarakiil ciidan wasiiro hore sida xaaji muuse boqor iyo Dr ismaciil jimcaale ujedada warqada ayaa aha in cabudhinta shacabka laga daayo sido kalena xukunka gacanta shacabka logu celiyo si lo badbadiyo dalka mahamed siyaad bare kuma qancin so jedintaasi wuxuna xabsiga dhigay 45 ka mid ah dadkii warqadasi wax ka saxeexay waxana lagu oogay eedo ah kacaan diid iyo qaran dumis xabsiga ayana lo taxabay cadadiska gudaha iyo kan dibada ayaa gaadhay halkii ugu saraysay ka dibna ragan ayaa xabsiga laga sii dayay mahamed siyaad bare waxa uu ahaa dhise iyo dumiye
Dhisme kaste oo maanta dalka waxtar u leh dhismayal dawladeed dekado eraboodyo jidad dhakhtaro jamacado
Iyo warshado waxay ahayeen waxtarki uu dalka kuso kordhiyay lakin siyasadiisi aan jihaynta adag lahayn ee ku dhisnayd xukun jacaylka iyo kaligi talisnimada ayaa ugu danbayn sababtay in dalku uu burbur galo ilaa mantana samayntiisa aan laga soo noqon burburkii ka dib waxaa dalka ka dhacay dagaalo sokeeye waxaa bilowday kooxaysii magaalo kaste oo dalka ah waxaa qabsaday hogamiye kooxeed waxaana caadi iska noqotay dilka dhaca kufsiga iyo boobka hantida dadweynaha iyo tan gaarka lo leyahayba ugu danbayntii jaale mahamed siyaad bare waxaa u dalka iskaga baxay 27/1/1991 kii ka dib marki ay casimada muqdisho la wareegen jabhadiihi kaso hor jeeday wuxuna magan galyo siyasadeed ka helay dalka Nigeria halkas ayu ku sugna ilaa ugu danbayn 2/1/1995tii ku geeriyoday magalada lagos ee dalka Nigeria waxana lagu aasay magalada garbaharey ee gobalka gedo